Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Dr. Axmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa shir gudoomiyay kulan ……
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Dr. Axmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa shir gudoomiyay kulan ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Saraakiil ka socota Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.Kulankaas oo ujeeddadiisu ahayd iskaashiga marka dalka la keenayo xadhkaha kaybalka ee badda (Submarine Fiber Optic Cable). Intii kulanku socday waxa lagu gorfeeyay sidii loo horumarin lahaa loogana wada shaqayn lahaa xadhkaha kaybalka ee dalka, iyada oo ay Wasaaradduna kala shaqayndoonto isku xidhka shirkadaha isgaadhsiinta iyo laamaha dawladda.
Kulanka oo ku soo dhamaaday is afgarad waxa la isla qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda labada dhinac.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda J.S.L