
Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, oo uu wehelinayo Agasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aadan Cabdillahi Cabdalle ayaa saaka kaga qayb galay Jaamacad
Warbixin: Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, oo uu wehelinayo Agasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aadan Cabdillahi Cabdalle ayaa saaka kaga qayb galay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame Xaflad lagu dhagax dhigayay hirgelinta isku-xidhka jaamacadaha ee xadhigga Fiber ka ee Internet ka.Wasiirka oo halkaas ka hadlay ayaa ka warramay muhiimadda ay arrintani u leedahay jaamacadaha dawladda ee dalka isla markaana ku dhiirri geliyay inay uga faa’idaystaan sida loogu talagalay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aynu la jaan qaadno horumarka tiknoolajiyadda ee dunidu ku tallaabsatay, tanina ay noqonayso bar bilow aad u mihiim ah oo wax wayn ka beddelaya hannaanka waxbarashada sare ee dalka.
Agaasimaha Guud ayaa isaguna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta goobjoog u noqdo xafladdan taariikhiga ah ka wasaarad ahaana ay u tahay fursad ay jaamacadaha iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada sare ee dalka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda caalamka ee ugu dambaysay. Agaasimuhu waxa uu ballan qaaday in ay arrinta si dhow ugala shaqayn doonaan jaamacadaha isaga oo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay.
Maamulaha Mashruuca Isku Xidhka Dhijitalka ee Bariga Africa (EARDIP) ee uu Baanka Adduunku ka taageero Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay sida uu mashruucu ku bilaabmay iyo kulamadii ugu horraysay ee jaamacadaha lala yeeshay sannadkii hore si ay u soo gudbiyaan baahiyahooda, taasna ay ka dhalatay arrinkan maanta la dhagax dhigay ee isku xidhka jaamacadaha dawladda ee dalka.
Xafladda waxa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiyaha Tacliinta Saree e Qaranka, Guddoomiyayaasha saddexda jaamacadood ee Hargeysa, Camuud iyo Burco iyo madax kale oo dhamaantood ka hadlay xafladdaas.
