
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno sare oo ka socday mid kamid ah shirkadaha caalamiga ah...
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Aadan Cabdillahi Cabdalle, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno sare oo ka socday mid kamid ah shirkadaha caalamiga ah ee la shaqeeya Mashruuca Isku Xidhka Dhijitaalka ah ee Bariga Afrika (EA-RDIP) ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka (World Bank), kaas oo la shaqeeya Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, dardargelinta hirgelinta hawlaha mashruuca, iyo sidii loo gaadhi lahaa yoolalka iyo himilooyinka horumarineed ee Mashruuca EA-RDIP.
Ugu dambayn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ay khusayso, si loo xaqiijiyo guusha iyo waxtarka mashruuca.
