XAFLADA XIL-WAREEJINTA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA ISGAADHSIINTA IYO TIKNOLAJIYADA

Hargiesa,16-01-2021(W.I.T) waxa maanta ka qabsoontay xarunta WIT, xaflad ay xilka kula wareegaysay agaasimah cusub ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Aamina Xuseen Maxamuud oo ay kala wareegaysay Agaasimihii hore wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda mudane Eng Cali cabdillaahi Daahir, Xafladan oo ay kasoo qayb galeen, wasiirka wasaaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada, Gudoomiya Haya,da Maamul wanaag, wasiirki-xigeenkii hore Wasaaradda maaliyadda, shaqaale waynaha Wasaaradda, shirkadaha isgaadhsiiinta Dalka, iyo marti sharaf kale.
Ugu Horayn waxa hadalka iska Daba maray Shirkadaha Isgaadshiinta ee Telesom iyo Som-cable oo xusay wada shaqayntii wacnayd ee dhexmartay Agaasimihii hore intii uu xilka hayay,kuna aamanay Eng Cali Cabdillaahi u heelanaa waqti kasta Xafiiska Ugu yimaadan.
Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiadda ayaa xusay wax-Qabadkii u Qabsoomay, muddadii Seddexda sano uu xilka hayay.
Dhanka kale Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Aamina Xuseen Maxamuud, ayaa ugu Horayn u mahad celisay M/waynaha JSL xilka uu u Igmaday kuna faraxsantay inuu Wasaaraddani u soo magacaabo ,marwo Aamina waxay ilaahay ka Bariday inuu xilka ku asturo shaqaale waynahaynaha ka Codsatay in Garab istaagaan.
Ugu Danbayn waxa hadalka soo xidhay, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyoTignoolajiyadda Dr Cabdi-weli ,tilmaamay wada shaqayntii Wanaagsanayd dhexmartay Agaasimihi hore Eng Cali Cabdillaahi “Hadii aad maqli jirteen wasiir iyo agaasime murmay oo is Haysta ama loo Gar-Qaadayaa May dhicin hal-maalin inaan shaqada Qaranka ku murano, Waxaa sabab u ahaa waayo-aragnimada uu cali u lahaa maamullka iyo Dawlanimadda, waxaan Rajaynaya Guul waxaanu kamid Noqon Doona
Mus-danbeedka Wasaaradda isgaasdhiinta iyo Tignoolajiyada, Agaasimaha Guud Cusub Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyoTignoolajiyada U rajeeyey wada-shaqayn wacan, Wasiirku waxa hadalka kusoo Gunaanaday in Sunaha Dawlanimada ayay tahay in Hadba Cid lagu tijaabiy xilalka Qaranka.