Xaflada Abaal Marinta Shaqaalaha Waaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada

 Maanta o ay taariikhdu tahay 31/1/2021 waxa ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo 
Teknoolajiyaddu qabatay xaflad sannadeed lagu abaalmarinayo shaqaalaha wasaradda kuwii ugu wax-qabadka wanaagsana sannadkiii 2020.
Xafladda oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka wasaaradda  isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Sh. Suufi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Aamina Xusseen, Guddoomiyaha  Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga, Gudoomiyaha shirkadaha gaarka looleyahay iyo marti sharaf kale ayaa lagu abaal mariyay shaqaalihii ugu wanaagsanaa Wasaaradda sannadkii 2020.

Xafladan Abaal marinta Shaqaalaha oo isugu jirtay abaal marinta shaqaalihii ugu wanaagsanaa oo loo abaal mariyay shaqsi-shaqsi iyo abaal marinta waaxihii ama tiimamkii ugu wanaagsana uguna shaqada badnaa sidookale waxa isla xafladaa lagu abaal mariyay shaqaalihii ka qayb qaatay qabsoomida shirwaynihii ICT-ga Somaliland (Somaliland ICT Conference) ee sannadkii 2020.

Hambalyo dhamaan shaqaale waynaha wasaaradda, u adeegidda qaranku waa waajib saaran muwaadin kasta.