Waxanu maanta daah-furtay adeegga Cinwaanadda Boosaha kaasi oo lagu bilaabi doono caasimadda JSL ee Hargeysa.

Adeeggan waxa hirgelinaysa Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo kaashanaysaa shirkadda GOESOL.
Adeeggan ayaa noqon doona mid Somaliland la tartansiiya dalalka caalamka. Waa markii u horaysay ee adeeggan laga hir-gelinayo Jamhuuriyadda Somaliland.