‎Waxa galabta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland shir lagu dardargelinayo hawlaha Carwada iyo Shirka Tiknoolajiyadda Somaliland.

‎Waxa galabta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland shir lagu dardargelinayo hawlaha Carwada iyo Shirka Tiknoolajiyadda Somaliland oo dhawaan ka qabsoomaysa caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa.

‎Carwada iyo Shirka Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa noqonaya kulanka ugu ballaadhan ee Tiknoolajiyadeed ee ay isugu yimaaddaan qaybaha kala duwan ee Tiknoolajiyaddu, waxana carwada ka qayb gelaya shirkadaha Tiknoolajiyadda, ganacsatada, Jaamacadaha, Hay’adaha iyo dhammaan daneeyayaasha Tijnoolajiyadda.

‎Shirkan oo uu shirguddoominayay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa waxa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, sidoo kale waxa shirka qayb ka ahaa shirkadda Capital Expo oo maamulaysa guud ahaan Carwada iyo Shirka Tiknoolajiyadda Somaliland.

‎Carwada iyo Shirka Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa ka qabsoomi doona Hoolka Shaqaalaha Dawladda 8-11 bisha October ee sannadka 2025.