Waxa farxad u ah Jamhuuriyadda Soomaaliland in Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu heshiis is-afgarad wada shaqayn ah la gaadhay Hay’adda Boosta Kenya (Postal Corporation of Kenya).

Waxa farxad u ah Jamhuuriyadda Soomaaliland in Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu heshiis is-afgarad wada shaqayn ah la gaadhay Hay’adda Boosta Kenya (Postal Corporation of Kenya). Heshiiska oo uu goobjoog u ahaa Wasiirka Tiknoolajiyadda, Hal-abuurka iyo dhalinyarada Kenya Mr. Joe Mucheru. Dhinaca Somaliland waxa u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Yuusuf Warsame Xassan, halka dhinaca Kenya uu u saxeexay madaxa Hay’adda Boosta Kenya Mr. Dan Kagwe.
Heshiiskani waxa uu suurto galin doonaa in bulshada Somaliland si fudud ugu diri karaan una heli karaan alaabta iyo waraaqaha ay u dariyaan aduunka oo dhan, sidoo kale waxa uu hirgalinayaa iskaashi buuxa oo dhex mara Soomaaliland iyo Kenya.
Heshiiskani ayaa daba socda dedaalo badan oo Wasaaraddu ku horumarinayso addeegyada boosaha iyo isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.