Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL waxa uu kulan la yeeshay maayirka caasimada Hargeysa kaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL waxa uu kulan la yeeshay maayirka caasimada Hargeysa kaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda. 
 
Kulan kaasi oo diirada lagu saaray sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaarada iyo dawlada hoose ee hargaysa, 
Qodobada muhiim ka ah ee kulanka lagu falanqeeyay waxa ka mid ahaa: 
 
Sidii loo casriyayn lahaa adeegyada dawaladaha hoose, wasaaraduna gacan uga gaysan lahayd sidii adeeg yadu u noqon lahaayeen kuwo lagu bixiyo tiknoolaji casri ah.  
 
Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyay sidii caasimada loogu samayn lahaa cinwaano (Postal Addressing) kuwaasi oo loo samayn doono guryaha, dhismayaasha, ganacsida iyo wadooyinka. 
 
Kulanku waxa uu ku soo dhamaaday in la dar-dar galiyo hawlaha mudnaanta leh. 
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.