Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo soo qaban qaabisay xaflada loogu dabaal dagaayo sanad guurada kowaad ee ka soo wareegtay xarunta Hal-abuurka Somaliland.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa saaka qabatay xaflada Sanad Guurada Kowaad ee xarunta Hal-abuurka Somaliland (Somaliland Innovation Zone).
Taasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiiradda Wasaaraddaha Xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga ,Gaashaandhiga ,Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaasi.
Marwo Suleekha Isaxaaq Cumar Agaasimaha Xarunta Hal-abuurka Somaliland ayaa ka warantay horumarka iyo barnaamujyada taabo galay ee xarunta hal-abuurka somaliland ku tabaabsatay mudadaasi sanadka ah ee ay jirtay ,
Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Somaliland Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa ka soo badhigay qorshayaasha iyo hiigsiga ay leedahay xarunta Hal-abuurka Somailand.
Sidoo kale Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa isna geestiisa ka waramay sida ay Taiwan uga go,antahay in ay somaliland Teknoolojiyada ka taageerto.
Guntii iyo Gabogabadii xaflada waxa soo xidhay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ,isaga oo bogaadiyay horumarka ay xaruntu samaysay mudadaasi sanadka ah ,iyo in ay mustaqbalka dhow ka hirgalin doonaan gobolada somaliland xarumo noocan oo kale ah .