Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Ayaa Maanta Kulan Muhiim Ah La Yeelatay Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Ee Taiwan (ICDF). Kulankan Ayaa Diiradda Lagu Saaray Sidii Loo Dhisi Lahaa Xarunta

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Ayaa Maanta Kulan Muhiim Ah La Yeelatay Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Ee Taiwan (ICDF). Kulankan Ayaa Diiradda Lagu Saaray Sidii Loo Dhisi Lahaa Xarunta Xogta (Data Center) Iyo Horumarinta Amniga Internetka (Cyber Security) Dalka.
Kulanka Waxaa Ka Qeyb Galay Agaasimaha Casriyaynta Iyo Hal-abuurka Tiknoolajiyadda, Agaasimaha Tiknooladjiyada Dawlada Iyo Sugida Amniga Iyo Madaxa Isku Xidhka Mashruuca Dhijital-ka Ee Bariga Afrika Kuwaaso La Kulmay Khubaro Ka Socota Dalka Taiwan Iyo Sanduuqa Horumarinta Caalamigaa Ee Taiwan Icdf.
Ugu Dambeyntiina, Labada Dhinac Ayaa Muujiyay In Ay Diyaar U Yihiin In Ay Si Wadajir Ah U Shaqeeyaan Si Loo Gaaro Hadafka Ah In La Dhiso Xog-kaydiyaha Guud Ee Dalka Iyo Amniga Internetka, Taas Oo Gacan Ka Geysan Doonta Horumarinta Dhaqan-dhaqaale Iyo Bulsho Ee Somaliland.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta W.I.T.