Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL oo kaashanaysa Wasaaraddda Waxbarashada iyo Sanduuqa Taiwan ICDF ayaa maanta ku qabatay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa xafladda xidhitaanka ba

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL oo kaashanaysa Wasaaraddda Waxbarashada iyo Sanduuqa Taiwan ICDF ayaa maanta ku qabatay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa xafladda xidhitaanka barnaamijka horumarinta xirfadaha teknoolajiyadda.
Barnaamijkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa lagu tababaray tiro dhan 352 arday oo ka kala socday jaamacadaha, shaqaalaha dawladda, ciidamada booliiska iyo dugsiyada sare, iyada oo ujeeddadu ahayd kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah iyo hal-abuurka dhalinyarada si loo xoojiyo shaqo-abuurka iyo horumarka dijitaalka ah ee dalka.
Munaasabadda xidhitaanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL mudane ???????????????????????????? ???????????????????? ????????????????????, Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska mudane ???????????????????????????? ???????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????????????????????, Madaxa Taiwan Technical Mission ???????????????????? ????????????????, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ???????????????????? ???????????????????? ????????????????????, madaxda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka.
Agaasimaha Waaxda Innovation-ka Marwo ???????????????????????????????? ???????????????????????? ???????????????????? ayaa ka warbixisay nuxurka tababarka, iyadoo sheegtay in ardaydu barteen xirfado ay ka mid yihiin ilaalinta xogta, xidhidda networks-ka, video editing-ka, Xirfadaha Kamaradaha, Fingerprints-ka iyo farsamooyin kale oo dhijitaal ah, kuna dhiirigelisay inay aqoontaasi u adeegsadaan hal-abuur iyo ganacsi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Axmed Carab Muuse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay wasaaradda uga go’an tahay ka taageerida muwaadiniinta iyo hay’adaha dawladda ee dhinaca teknoolajiyadda, isagoo ku booriyay bulshada in la xoojiyo nabadda iyo wadajirka.
Madaxa Taiwan Technical Mission Mr. Jerry Liao ayaa dhalinyarada kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalka iyo barashada joogtada ah.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku ammaanay Agaasimayaashii ka shaqeeyay hirgelinta barnaamijkan oo uu hoosta ka xariiqay inay tahay fikrad midho dhashay. Waxaanu intaa raaciyay inay sidoo kale soo wadaan xirfadaha ay ka mid yihiin Farsamada gacanta iyo Beeruhu.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Maaliki Cabdi Xasan ayaa xusay in barashada xirfaduhu ay tahay furaha shaqo-abuurka iyo horumarka dhalinyarada, isagoo u mahadnaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee ka qayb qaatay barnaamijkan muhiimka ah. Wuxuu ku adkeeyay kuna dhiirigaliyay dhalinyarada inay sii wadaan barashada xirfadaha oo aanay halkaa ka joojin.
Barnaamijkan ayaa qayb muhiim ah ka qaadan doona kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah, abuurista shaqooyin cusub, iyo horumarinta jiil ka horumarsan xagga tiknoolajiyadda oo u soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland.
DHAMMAAD