Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL ayaa maanta hoolka Wasaaradda ku qabatay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay qabanqaabiyayaasha Carwada iyo Shirweynaha 7aad ee ICT-ga.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL ayaa maanta hoolka Wasaaradda ku qabatay tababar hal maalin ah oo loogu talagalay qabanqaabiyayaasha Carwada iyo Shirweynaha 7aad ee ICT-ga.
Tababarkan waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane ???????????????????? ???????????????????? ????????????????????, madaxda waaxyaha, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, iyo qabanqaabiyayaasha carwada ICT-ga, iyadoo ujeedadu ahayd in la xoojiyo tayada iyo qorsheynta Carwada iyo shirkan muhiimka ah.
Tababarkan waxaa diiradda lagu saaray hannaanka abaabulka, maamulka xogta, iyo isku dubaridka hawlaha Carwada. Waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqaynta si ay si habsami leh carwadu ugu qabsoonto.
Ujeedada tababarkan ayaa daarnayd in la xoojiyo xirfadaha qabanqaabiyayaasha, loona diyaariyo hab-maamuus sare oo kor u qaadaya guusha carwada iyo shirweynaha soo socda.
DHAMMAAD