Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa Tababar socon doona laba maalmood u furtay saraakiisha Xafiisyada Warbaahinta ee qaybaha kala duwan ee Ciidanka sida Ciidanka Qaranka,....

Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa Tababar socon doona laba maalmood u furtay saraakiisha Xafiisyada Warbaahinta ee qaybaha kala duwan ee Ciidanka sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Socdaalka iyo Ciidanka Dab Damiska.
 
Tababarkaas oo ku saabsanaa Ilaalinta Kobcinta iyo Horumarinta Social Media-ah iyo Website-yada Ciidamada iyadoo la adeegsanayo Caqliga Macmalka ah (Artificial Intelligence). Tababarkan oo ka furmay Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.