
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, ayaa kulan booqasho ah la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Gob
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, ayaa kulan booqasho ah la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Saaxil, Mudane ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????????????????????????.Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo maamulka gobolka, horumarinta adeegyada isgaadhsiinta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaabeyaasha tiknoolojiyadda ee gobolka Saaxil.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ayaa booqday Xafiiska cusub ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Gobolka Saaxil, kaas oo muddo ku dhow toban sano xidhnaa. Xafiiskan ayaa haatan ku jira dib-u-habayn iyo diyaar-garow, waxaana la filayaa in si rasmi ah xadhigga looga jaro dhawaan.
Intii uu booqashada ku jiray, Agaasimaha Guud ayaa xog-waraysi ka dhegaystay Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka, kaas oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda xafiiska, shaqaalaha, iyo hawlaha shaqo ee ka socda.
