
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda oo Ka qayb Galay Xaflada Sagootinta Ardayda.....
Maalinimadii khamiista, taariikhduna ahayd 4-tii September 2025, ayaa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu sagootinayay ardayda dhamaysay sanad dugsiyeedka 2024/2025 ee Dugsiga Sare Dabayl Weyne.
Xafladdan waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Mudane Axmed Carab Muuse, iyadoo sidoo kale ay goobta ku sugnaayeen ardayda, waalidiin, maamulka dugsiga iyo marti sharaf kale oo badan.
Agaasimaha Guud ayaa ugu horreyn hambalyo u diray ardayda muddada dheer ee ay waxbarashada ku soo jireen, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay si xikmad iyo qorshe ku dhisan u doortaan koorasyada jaamacadeed ee ay ku wanaagsan yihiin. Waxa kale oo uu ardayda kula dardaarmay in aqoonta ay kasbadeen ay uga faa’iideeyaan bulshada iyo dalkaba.
Intii lagu jiray xafladda, Agaasimaha Guud waxa uu ballan qaaday inuu qaar kamid ah ardayda ka taageeri doono kharashaadka waxbarashada jaamacadeed, taas oo dhiirrigelin iyo barbar istaag u noqotay ardayda qalin-jabineysa.
Dhacdadan ayaa marag cad u ah sida dawladda iyo Wasaaraddu ay u garab taagan yihiin dhalinyarada aqoonta baranaysa, maadaama ay yihiin mustaqbalka iyo hogaamiyeyaasha berri.