
Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL
Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenka Mudane Maaliki Cabdi Xasan ayaa shir guddoomiyey kulanka Agaasime-Waaxeedyadda Wasaaradda. Sidoo kale Waxa Goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Carab Muuse.
Qodobadda lagaga wada hadlayna waxa ka mid ahaa:
1. Diyaarinta Buugga Wax-qabadka Sanadka 2025
Waxaa lagaga wada hadlay diyaarinta buugga wax-qabadka sanadka 2025. Waxaa la soo jeediyay in Waaxaha kala duwan ay soo dhamaystiraan warbixinnadooda. Guddi loo magacaabo ayaa la isla gartay inay hoggaamiyaan habaynta buugga oo ay ka shaqeeyaan xubno ka socda waaxaha kala duwan.
2. Diyaarinta Qorshaha Sanadka 2026
Waxaa la soo bandhigay mawduuca diyaarinta qorshaha sanadka 2026. Waxaa lagu heshiiyay in qorshuhu ku salaysan yahay qiimeynta wax-qabadka sanadka 2025 iyo baahida mustaqbalka.
3. Xoojinta Shaqada iyo Shaqaalaha
Waxaa lagaga wada hadlay sida loo xoojin karo shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa soo jeediyay talooyin sida:
· Bixinta tababaro kororsi ah oo ku saabsan aqoonta cusub.
· Soo saarida siyaabo lagu qiimeeyo shaqaalaha si joogto ah.
· Kordhinta munaasabado is-dhexgal ah oo ay ka qayb qaataan shaqaaluhu.
4. Warbixin ku saabsan Kulankii Diyaarinta Qorshayaasha 2025-2030
Waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan kulankii diyaarinta qorshayaasha 2026-2030. Warbixintu waxay tilmaamaysaa go’aanada iyo mustaqbalka laga wada hadlay kulankii. Waxaa lagu heshiiyay in go’aanada laga gaaray kulankaa la geliyo qorshayaasha waaxaha kaladuwan.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL.
