Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyadda ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL

Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyadda ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda JSL.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda.
Shirkan oo todobaadkiiba mar qabsooma ayaa ujeeddadiisu ahayd dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo habsami u socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda, iyadoo sidoo kale layskaga xog-waraystay waxyaabihii qabsoomay toddobaadkii hore iyo caqabadaha jira si wadajir ah loogu wajaho.
Wasiirka Wasaaradda ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay agaasime-waaxeedyada wasaaradda, waxana uu ku amaanay sida hufan ee ay u wadaan hawlaha shaqo ee loo igmaday. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay sii dardar-geliyaan hawlaha ay qaranka iyo wasaaradda u hayaan.