
Shir Muhiima Oo Lagu Dardargelinayo Barnaamijka Horumarinta Xirfadaha Teknoolajiyada Ee Ardayda Dugsiga Sare
Xarunta Innovation-ka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL ayaa maanta martigelisay kulan heer sare ah oo lagu dardargelinayo Barnaamijka Horumarinta Xirfadaha Teknoolajiyadda ee Ardayda Dugsiyada Sare.Kulankan waxaa si rasmi ah u furay ????????????????????????-????????-???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ???????????? ????????????????????????????????????????????????????????????, Mudane Maaliki Abdi Xasan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane ???????????????????????????? ???????????????????????? ???????????????????????????????? (????????????????????????????), Agaasimaha Waaxda Innovation-ka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda: Marwo ???????????????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????, iyo Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska, Marwo ???????????????????????????? ????????????????????.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo barnaamijka kobcinta xirfadaha teknoolajiyadda ee ardayda dugsiyada sare, barnaamijkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknoolajiyadda iyo Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska JSL, si ardayda looga dhiso aqoonta dhijitaalka ah, looguna abuuro fursado shaqo oo mustaqbalka ah, isla markaana ardaydu u helaan xirfado ay ku shaqaysan karaan intay weli dugsiyada ku jiraan.
Mudane Maaliki Cabdi Xasan ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay tababarkan oo ay ardaydu xiisaynayaan, isagoo ku baaqay in juhdi dheeraad ah lagu bixiyo barnaamijka si loo gaadhsiiyo dhammaan gobollada, loogana caawiyo ardayda sidii ay xirfadahan shaqo ugu heli lahaayeen.
Dhankiisa, Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul) ayaa tilmaamay in hawshani tahay hawl qaran, una baahantahay iskaashi joogto ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in maamulka dugsiyada sare lala kulmo si ardaydu shaqo ugu helaan xirfadaha ay bartaan. Wuxuuna ku boorriyay labada wasaaradood iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya in ay sii xoojiyaan iskaashiga.
Barnaamijkani wuxuu kor u qaadi doonaa awoodda ardayda ee xirfadaha casriga ah ee teknoolajiyadda, wuxuuna ka caawin doonaa inay helaan xirfado ay shaqo ku helaan iyaga oo weli dugsiyada ku jira. Tani waxay qayb weyn ka qaadan doontaa himilada Somaliland ee dhisidda jiil tiknoolaji ahaan u diyaarsan mustaqbalka.
DHAMMAAD