
SHIR MUHIIM AH OO AY MAANTA WADA YEESHEEN WASAARADDA IS GAADHSIINTA IYO TEKNOLAJIYADA IYO KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA JSL
Shir kaasi oo daaranaa sidii looga wada shaqayn lahaa ka faa’idaysiga adeegsiga teknolajiyada carsiga ah isla mar ahaan taana Waaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknolajiyadu sidii ay uga caawin lahayd komishanka, wixii teknolajiyada ah ee loo adeegsan karo maamul wanaagan.Shirka waxa hogaaminayay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknolajiyada mudane Dr. Abdiwali Abdilahi Suufi iyo Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagan Mudane Dayib Aadan X. Cali, waxa kale oo shirka ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socoda labada dhinac, shirkuna waxa uu ku soo gaba-gaboobay guul iyo in si wanaagsan la isula qaatay dhaman qodabadii laga wada hadlay.