Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL oo qaabilay wefti sare oo ka socda Baanka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL oo qaabilay wefti sare oo ka socda Baanka Adduunka
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Jamaal Maxamed Jaamac, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Axmed Carab Muuse, ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay wefti sare oo ka socday Baanka Adduunka, weftigaas oo ay hoggaaminaysay Naomi Halewood, shirkan oo ay qayb ka ahaayeen hawl-wadeenadda (PIU) Mashruuca EA-RDIP ee Somaliland.
Ujeeddada booqashada weftiga ayaa ahayd dhaqaajinta iyo dar-dargelinta Mashruuca Isku Xidhka Dhijitaalka ee Bariga Afrika (East Africa Regional Digital Integration Project. (EA-RDIP).
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Qaranku waxa uu xusay in mashruucan EA-RDIP uu leeyahay door aasaasi ah oo kaalin muuqata ka qaadan doona horumarinta adeegyada Tiknoolajiyadda Dalka, isla markaana uu Somaliland u suurtagelin doono in ay si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha is-xidhiidhka dhijitaalka ah ee gobolka Bariga Afrika.