MUNAASIBADDA FURITAANKA TABABARADA KALA DUWAN EE XARUNTA HAL-ABUURKA SOMALILAND

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa tababar u furay 100 dhalinyar ah oo ka qayb qaadan doonta Barnaamjika Kobcinta Adeegsiga tiknoolojiyadda oo ay wasaaraddu ka hirgalisay xarunta hal-abuurka Somaliland Somaliland Innovation Zone taasi oo loogu talo galay in kor loogu qaado aqoonta dhalinyarada ee xaga tiknoolojiyadda iyadoo wasaaraddu la kaashanaysan Xafiiska maalgashiga ee Taiwan ICDF.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane: Yuusuf Warsame Xasan oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda ay tababaradani u leeyihiin dhalinyarada islamarkaana kudhiirigeliyey inay ka faa'idaystaan.
Sidoo kale Agaasimaha horumarinta Sanduuqa dhalinyarada Mudane Khadar Ibrahim Mohamed oo munaasibada kahadlay ayaa balan qaaday inay dhalinyarada hal-abuurka ganacsi leh ka gacan qaban doonaan fikirkooda hal-abuur.
Tababaradan oo heerkoodu sareeyo ayaa ujeedadoodu tahay in dhalinyarada labaro xirfado tiknoolojiyadeed oo ay kushaqaysan karaan islamarkaana Qaranka ugu soo kordhin karaan horumar.
Xafladda Furitaanka oo ay kasoo qayb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaarda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Agaasimaha fulinta ee San-duuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland, Mareeyaha mashruuca TaiwanICDf Mr. Edward Lin, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo dhalinyaradda tababarka loo furay ayaa ka qabsoontay xarunta Hal-abuurka Somaliland.
^^_______________________________________^^
The Director General of the Ministry of Information and Communication Technology has opened a training session for 100 young people who will participate in the Tech Development Training Program implemented by MICT in cooperation with the Taiwan ICDF, the aim of this program is to enhance the knowledge of young people in the field of technology.
#MinistryofICT
#TaiwanICDF
#SIZ