
Masuuliyiin sare oo ka socotay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Xafiiska Horumarinta Maalgashiga ee Taiwan ICDF ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socotay Shirkadda Telesom.
Masuuliyiin sare oo ka socotay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Xafiiska Horumarinta Maalgashiga ee Taiwan ICDF ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socotay Shirkadda Telesom.Wafti uu Hogaminaayey Agaasimaha waaxda Hal-abuurka Tiknoolajiyadda Mudane Cabdisamad Khadar H. Daahir & Agaasimaha Waaxda Tiknoolajiyadda Dawlada iyo Sugida Aminga Mudane Cabdicasiis Xiis Caydiid ( Barwaani )
waxaan halkaas ku soo dhaweeyay Masuuliyeen ka socotay Shirkadda isgaadhsiinta internetka ee Telesom,
Kulankan Ayaa Diiradda Lagu Saaray Siddii Loo Dhisi Lahaa Xarunta Xogta (Data Center) Iyo Horumarinta Amniga Internetka (Cyber Security) ee Dalka.
Ugu Dambeyntiina, Labada Dhinac Ayaa Muujiyay In Ay Diyaar U Yihiin In Ay Si Wadajir Ah U Shaqeeyaan Si Loo Gaaro Hadafka Ah In La Dhiso Xog-kaydiyaha Guud Ee Dalka Iyo Amniga Internetka, Taas Oo Gacan Ka Geysan Doonta Horumarinta Dhaqan-dhaqaale Iyo Bulsho Ee Somaliland.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo warbaahinta W.I.T.