Masuuliyiin ka tirsan xukumada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Xarunta Gobolka Hawd ee Bali-gubadle.

Wafti balaadhan oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro Ku Xiggeeno, Agaasimayaal guud,Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukumada ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Xarunta Gobolka Hawd ee Bali-gubadle.
masuuliyiintan ayaa ka qayb-galaya munaasibad hadhimo shareef ah oo maamulka heer gobol iyo degmo iyo bulsho-weynta Gobolka Hawd ay ku maamuseen xubnaha Golaha Wasiiradda iyo masuuliyiinta kala duwan ee xukumada ugu jira gobolka hawd.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda oo ka mid ahaa wasiiradii xukuumada ee ka qayb galay munaasibadaasi ayaa hanbalyeey sida ay iskugu xidhan yihiin masuliyiinta xukuumada iyo busho waynta gobolka hawd.