Madaxda wasaaradda Isgaadhsiinta & Teknoolajiyada JSL oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda Dr. CabdiWali Sh. C.laahi ayaa kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, kuwaas oo su’aalo ka waydiiyay Wasiirka qaabka shaqo ee wasaaradda iyo waajibaadka ay qaranka u hayso.
Wasiirku waxa uu warbixin faahfaahsan siiyay guddida dhaqaalaha, sidoo kalena uu ka jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen.
Waxa Wasiirka ku wehelinaayay kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aamina Xuseen, Agaasimaha W/ Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar, iyo La-taliyaha wasaaradda ee arrimaha isgaadhsiinta.