Kulan Lagu falanqaynayo Nidaamka Ciwaanada Adeega Boosuhu U leeyayahay Ganacsiga JSL (Postal  Addressing System) 


Kulan Lagu falanqaynayo Nidaamka Ciwaanada Adeega Boosuhu U leeyayahay Ganacsiga JSL (Postal  Addressing System) 

Hargaysa 11.1.2021 (W.I.T) Kulan lagu falanqanayay Muhiimada ay u leedahay nidaamka ciwaanka boosaha ee ganacsigu, ayaa lagu qabtay Xarunta Rugta ganac siga JSL kulan ay ka soo qayb galeen Gudoomiya Rugta Ganacsiga JSL Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda waxa kale oo kasoo Qayb Galay dhamaan Ganac satada waawayn ee Caasimada JSL, kulan kan oo lagu lafo gurayay in ay Ganacsatadu yeeshaan ciwaan boostada ah oo muhiimad u leh Adeegooda Ganacsiga. ugu horayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda, Dr Cabdi-weli sheikh Abdilahi Suufi Jibriil, waxa uu xusay muhiimada ay leedahay hirgalinta nidaamka ciwaanada boosah. Isla mar ahaantaana sanadkan gudihiisa ay hirgalin doona iyagoo kawadda shaqanaya Rugta ganacsiga JSL iyo GEOSOL.
Wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyaddu waxa kale oo uu tilmamay faa’idada ku jirta nidaam casriga ah ee adeega boostada, oo ay ka faa’idaysan doona siddeed qaybood kala duwan oo kala ah.
1) Ganacsatada Dalka
2) Haya,dda amniga
3) Jaamacaddaha iyo NGos
4) Bahda caafimadka
5) Ciidanka Nabad-galayada wadooyinka
6) Wakaalahada biyaha ee Dalka
7) Dab-damiska
8) Haya,ddaha Wadooyinka, bridge-yada
Gudoomiya Rugta ganacsiga isguna xusay in Nidaamka Ciwaanada adeega Boosaha laba nooc kala ah gudaha iyo dibada, laakin hada xooga ay saarayaan ayna kawada shaqayn Doonan Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda sidii ganacsatadu Gudaha u heliyaan ciwaan loogu soo hagaago, (post address system) oo la jaan qadaya dunida casriga, shirkada kasta heli doona ciwaan.
Nidaamkani waxa uu yarayn doona kharash badan oo kaga bixi jiray Ganacsatada dalka in ay Dibadda u safraan markay shirkadu Hesho, ciwaan ugaar ah, la jaanqadaya Dunida Casriga waxaa kordhaya isku Socodka dhaqaalaha.
Ugu Danbayn waxaa soo Gunaanaday kulankaasi Wasiirka isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada JSL, mudane Dr Cabdi-weli sheikh Abdilahi Suufi Jibriil.
Alla Mahad leh