
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyadda JSL Mudane Axmed Carab Muuse Ayaa Tababar U Soo Xidhay Dufcadii 9aad Ee Waxka Barata Xarunta Hal-abuurka Somaliland
Hargeysa 17 April 2025.Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyadda JSL Mudane Axmed Carab Muuse Ayaa Tababar U Soo Xidhay Dufcadii 9aad Ee Waxka Barata Xarunta Hal-abuurka Somaliland ( Somaliland Innovation Zone)
Munaasibadan Ayaa Waxa Ka Soo Qaybgalay Marti Sharaf Ay Ka Mid Yihiin Wasiirro , Taliyayaal Iyo Agaasimayaal Guud.
Munaasibadan Ayaa Waxaa Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyey 280 Isku Jiray Arday Iyo Qaarka Mid Ah Ciidanka Somaliland,
Tababarkan Ayaa Waxaa Lagu Baranayayey Xirfado La Xidhiidha Adeegsiga Tiknoolojiyara Kaasi Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Maamulidda Mareegaha, Ilaalinta Xogta, Hagaajinta Iyo Dayactirka Moobiladda, Samaynta Software-ka Moobilada, Rikibida Iyo Cilad Bixinta Kamaradaha Ilaalada.
Dhamaan Tobobarka Xirfadahan Ayaa U Jeedadeedu Ahayd In Dhaliinyaradda Somaliland Ay Buuxiyaan Baahida Tiknoolojiyadeed Ee Taala Suuqyada Somaliland Isla Markaana Dhaliinyaraduna Ka Helaan Shaqo Abuur.
Dhanka Kale Wasaaraddu Iyada Oo Ka Duulaysa Castiyeynta Ciidamada Qaranka Ayaa Iyaguna Lagu Tababaray Guud Ahaan Adeegsiga Tiknoolojiyadda.
Intii Ay Munaasibadani Socotay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Balan Qaaday In Sii Wadi Doonto Dadaallada Lagu Hormarinayo Tiknoolajiyadda Iyo Guud Ahaanba Bulshada Somaliland Tageeranina Doonto Dhalinyarada.
Allaa Mahad Leh
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.