Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Gobolka Maroodijeex ayaa maanta ka qayb galay kulanka wacyigelinta ilaalinta astaamaha qaranka


‎Hargeysa Somaliland - 29 September 2025
Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Gobolka Maroodijeex  Mudane Faysal Yuusuf Cali ayaa maanta ka qayb galay kulanka wacyigelinta ilaalinta astaamaha qaranka oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa.

‎Kulankan ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta astaamaha qaranka oo ay ka mid yihiin Sumadda Qaranka, Calanka, Dastuurka, iyo astaamaha kale ee muujinaya qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland.

‎Intii uu socday kulanka, Isuduwaha Gobolka Maroodijeex oo halkaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in:

‎ “Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ay muhiimad weyn u aragto ilaalinta astaamaha qaranka, ayna door muuqda ka qaadan doonto siddii farsamo ahaan iyo wacyigelin ahaanba looga shaqayn lahaa ilaalinta iyo dhowrista astaamahaas. Waxa kale oo muhiim ah in Wasaaraddayadu si dhow ula shaqeyso Wasaaradda Dastuurka si loo xoojiyo ilaalinta iyo hirgelinta sharciyadda astaamaha qaranku leeyahay.”

‎Ugu dambayn, Isuduwuhu wuxuu xusay in bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, looga baahan yahay inay gacan weyn ka geystaan ilaalinta astaamaha qaranka, maadaama ay yihiin tiirka iyo hogaanka mustaqbalka dalka.
DHAMMAAD