Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu Mudane Yusuf Warsame Xasan, ayaa daah-furay kulank.....

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu Mudane Yusuf Warsame Xasan, ayaa daah-furay kulanka dib u eegista Wax-qabadka Rubuca 1-aad ee Sannadkan 2024-ka ee Wasaaradda (Quarterly Progress Review).
 
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Qorshayntu ayaa waxa kasoo qayb-galay dhammaan Agaasimayaasha Waaxaha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda.
 
Iyadoo Waax-kastaa kusoo bandhigtay kulanka wixii u qabsoomay Bilaha *1-aad* , *2-aad* iyo *3-aad* ee Sanadkan, isla markaasna su'aalo laga weydiiyey wixii u qabsoomi waayey iyo sababta ay dib ugu dhaceen, Laguna boggaadiyey wixii u qabsoomay Waaxaha.
 
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi isla-xisaabtan iyo is-afgarad.