‎Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee gobolka Maroodijeex, Mudane Faysal Yuusuf Cali, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadda xilwareejinta guddoomiyaha degmada

Darasalaam - Somaliland 24 September 2025
‎Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee gobolka Maroodijeex, Mudane Faysal Yuusuf Cali, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadda xilwareejinta guddoomiyaha degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodijeex.

‎Xafladda xilwareejinta oo si habsami leh u qabsoontay ayaa waxaa xilkii loogu kala wareejiyey labada masuul ee xilka maamulka degmada Daarasalaam, waxaana goobta ku sugnaa masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, madax-dhaqameed dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

‎Mudane Faysal Yuusuf Cali ayaa goob joog u ahaa xafladda, isaga oo muujiyey taageerada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ay u hayso wada shaqaynta degmooyinka hoos yimaada Gobolka Maroodijeex.
‎DHAMMAAD