
Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee gobolka Maroodijeex, Mudane Faysal Yuusuf Cali, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadda xilwareejinta guddoomiyaha degmada
Darasalaam - Somaliland 24 September 2025Isuduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee gobolka Maroodijeex, Mudane Faysal Yuusuf Cali, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadda xilwareejinta guddoomiyaha degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodijeex.
Xafladda xilwareejinta oo si habsami leh u qabsoontay ayaa waxaa xilkii loogu kala wareejiyey labada masuul ee xilka maamulka degmada Daarasalaam, waxaana goobta ku sugnaa masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, madax-dhaqameed dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane Faysal Yuusuf Cali ayaa goob joog u ahaa xafladda, isaga oo muujiyey taageerada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ay u hayso wada shaqaynta degmooyinka hoos yimaada Gobolka Maroodijeex.
DHAMMAAD