
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolojiyadda Axmed Carab Muuse ayaa tababar u furay qaar kamid shaqaalaha Dawladda
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolojiyadda Axmed Carab Muuse ayaa tababar u furay qaar kamid shaqaalaha Dawladda
Tababarkan ayaa daaran sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha Dawlada ee adeegsiga Tiknoolojiyadda si kor loogu qaado adeegyada ay shaqaalahani u hayaan Qaranka.
Shaqaalahan oo ka kala socday 8 wasaaradood ayaa ay tiradoodu dhan tahay 60 xubnood kuwaas oo dhamaantood qaadan doona tababarkan oo wax wayn ka tari doona habsami u socodka shaqada ee xafiisyada dawlada.
Ugu danbayn, tababarkan ayaa qayb ka ah dadaalada ay Wasaaraddu ku doonayso in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha dhanka Tiknoolojiyadda ee shaqaalaha dawlada, ciidamada Qaranka iyo ardayda jaamacadaha si aynu u hiigsano horumarka dunidu ka samaynayso aqoonta Tiknoolajiyadda.