
Dood Cilmiyeed lagu lafa gurayay saamayta Mobilada
Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL oo kaashanaysa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa soo qabanqaabisay dood cilmiyeed lagu lafa gurayay “Saamaynta Moobilada iyo Internetku ku Leeyihiin Carruurta”, dooddan oo la isku waydiiyay su’aalo ay ka mid yihiin:1. Da'adee ayaa ilmaha lagu bari karaa moobilada?
2. Xogta internetku saamayn intee le'eg ayay ku leedahay korniinka iyo habdhaqanka carruurta?
3. Doorka Waalidka ee La socodka adeegsiga moobilka ee ilmihiisa.
4. Saamayn intee le'eg ayuu moobilku ku leeyahay waxbarashada ilmaha?
Natiijooyinka doodda ka soo baxay waxa ka mid ahaa:
1. In carruurta da’doodu ka yartahay laba jirka loo oggolaan adeegsiga mooobilka.
2. In caruurta da’doodu u dhaxayso 2 – 9 jirka lagu kormeero qaabka ay u adeegsanayaan moobilka iyo internetka.
3. In carruurta da’doodu u dhaxayso 9 – 15 jirka la siiyo talooyin la xidhiidha qaabka ay uga faaiidaysanayaan adeegsiga teknoolajiyadda.
4. In waalidku masuuliyad iska saaro ilaalinta carruurtiisa marka ay adeegsanayaan moobilka iyo internetka.
5. In macalimiintu talooyin siiyaan carruurta si ay uga faaiidaan internetka, dhibaatana aanay uga soo gaadhin.
6. In shirkadaha isgaadhsiintu ilaaliyaan xogta u soo gudbaysa dalka ee carruurta halista ku noqon karta.
7. In dawladdu samayso xeerar iyo shuruuc lagu hagayo isticmaalka internetka iyo moobilada ee carruurta.