
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay kullan wada-tashi ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Mashruuca Isku-xidhka Dhiji
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay kullan wada-tashi ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Mashruuca Isku-xidhka Dhijitaalka ah ee Bariga Africa (EA-RDIP).Kullan kan oo u dhaxeeyey Masuuliyiinta Mashruuca (PIU) iyo Maamulka Jaamacaddaha Hargeisa, Camuud, Burco, Beder iyo Gollis ayey ujeeddadiisu ahayd falanqayn ku saabsan sidii Jaamacadduhu uga faa’iddaysan lahaayeen horumarka Tiknoolajiyadda ee mashruucani EA-RDIP ee uu Wasaaradda ka taageerayo Baanka Adduunka.
Kullankan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, dhammaan qodobadii uu ku saabsanaana la iskula qaatay.
DHAMMAAD