Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland,

Hargeysa 02 September 2025– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????????? ????????????????????, oo uu weheliyo Agaasime Waaxeedka Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda, ???????????????????????? ???????????????? ????????????????????????????????, ayaa maanta si rasmi ah u soo gebogabeeyey tobabar loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

‎Tobabarkan oo socday muddo, waxa uu ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si ay ugu adeegaan bulshada si hufan, isla markaana loo xoojiyo adeegyada wasaaraddu u qabato dadweynaha.

‎Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????????? ????????????????????, ayaa sheegay in tobabaradani qayb weyn ka qaadan doonaan tayeynta shaqada iyo horumarinta adeegyada tiknoolajiyadda dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey shaqaalaha inay aqoonta ay barteen ku dabaqaan hawl-maalmeedka shaqo ee ay qaranka u hayaan.