Aqoon Isweydaarsi iyo Xog Ururinta Qiimaynta Heerka Tiknoolajiyada JSL

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Somaliland (JSL) oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa si wadajir ah u qabtay kulan aqoon-is-weydaarsi iyo xog-ururin ku saabsan qiimaynta heerka teknolojiyada dalka.
Kulanka waxa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane ???????????????????????? ???????????????????????????? ???????????????????? ????????????????????, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane ???????????????????? ???????????????????? ????????????????????.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay daneeyayaal kala duwan oo ka socday shirkadaha isgaadhsiinta, hay’adaha dawladda, sharci-yaqaanno, jaamacadaha, khubarada IT-ga ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka.
Kulanka oo ay daadihinayeen khubaro ku xeel dheer Digital Readiness Assessment (DRA), waxa halkaas lagu soo bandhigay heerka tiknolojiga ee dalka. Waxaana laga soo saari doonaa warbixin dhamaystiran oo muujinaysa sida JSL ugu diyaarsan tahay maalgashiga dhijitaalka ah iyo horumarinta adeegyada casriga ah.
DHAMMAAD