Agaasimaha Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Ayaa furey Tababar kamida Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyada.....

Agaasimaha Guude ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa furay tababar kamida Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyadda ee ay hirgalisay Xarunta Halbuurka ee Somaliland Innovation Zone. 
 
Wasaaradda oo ka duulaysa ahmiyadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay guud ahaan qaranka ayaa qayb ka qaadatay hirgalinta waaxaha IT-ga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada sidoo kalena masuuliyad gaara iska saartay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha si ay u maamulaan waaxda IT-ga.
 
Barnaamjikan waxaa ka qayb qaadanaaya 24 wasaaradood , 17 Hay’adood iyo Ardayda Jaamacadaha, kaasi oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa maamulka iyo ka faa’iideysiga Tiknoolajiyadda gaar ahaan maamulida shabakadaha laamaha dawlada.