Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Mudan Yuusuf Warsame Xasan:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Mudan Yuusuf Warsame Xasan:
 
 Ayaa daah furay Tababarka Barnaamijka nidaamka isku xidhka laamaha Dawladda (egovernment System) kaasi oo hirgalintiisa Wasaaraddu gacanta ku hayso.
 
Nidaamkan ayaa lagu tababaray qaar kamida shaqaalaha wasaaradda si ay u fuliyaan adeegsigiisa.
 
Barnaamijkan oo wax wayn ka tari doona casriyeynta adeegyada dawladda ayaa hirgalintiisa waxaa wasaaradda ka taageerta TaiwanICDF.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.