Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Yusuf Warsame Xasan, ayaa Wasaaradda kusoo dhoweeyey Culimo ka socotey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL. ...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Yusuf Warsame Xasan, ayaa Wasaaradda kusoo dhoweeyey Culimo ka socotey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL.
 
Culimadda oo Shaqaalaha Wasaaradda u qabatay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
 
Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen dhamaan Shaqaalaha Xarunta Wasaaraddu ayaa Agaasimaha Guud ee WIT uga mahad-celiyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadda ka socoteyba kulanka ay soo qaban-qabiyeen ee lagu wacyigelinayey Shaqaalaha Wasaaradda sidii ay uga faa'iidaysan lahaayeen fadliga ay leedahay Bisha Ramadaan.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.