Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaad-laha ah ....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaad-laha ah ee Agaasimayaasha Waaxaha iyo La aliyayaasha Wasaaradda.
 
Kulankaas oo uu Ajandihiisu ahaa dardar-gelinta Shaqadda Wasaaradda iyo Qorshaynta Abaal-marinta Sannad-laha ah ee Shaqaalaha ugu wanaagsan Sannadkan sii dhamaanaya ee 2023-ka.
 
Kulanka oo kusoo dhammaaday si guul ah ayaa waxa kasoo baxay qodobbo hor-tebin u leh dardar-gelinta Shaqadda Sannadka soo socda ee 2024-ka iyo Qorshaha Abaal-marinta Shaqaalaha ugu Wanaagsan Sannadkan.