Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr.Axmed Yuusuf Idiris Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradu Ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Dhamaan shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Yusuf Warsame Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay dhammaan Shirkaddaha Isgaadhsiinta Dalka.
Kulankaas oo daaranaa is-xog waraysi iyo dardargalin hawlaha shaqo ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Shirkadaha isgaadhsiinta iyo sidii loo horumarin lahaa Tiknoolajiyadda Dalka.
Shirkaddaha isgadhsiinta ayaa bogaadiyay isla markana soo dhaweeyay kulanka Wasiirka, sheegayna in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradda.