Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yuusuf Idiris iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin ha’ada UNFPA kaasi oo ka qa…..
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yuusuf Idiris iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin ha’ada UNFPA kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.Intii uu kulanku socday waxaa falanqayn laga yeeshay shaqooyinka ay hayaan labada dhinac, kaasi oo sharaxaad kooban laga bixiyay mas’uuliyadaha ay qaranka u hayso W.I.T, taasi oo ay ka mid tahay casriyaynta adeegyada ay bixiso dawladu (E-Government), sidoo kale mas’uuliyiinta hay’ada UNFPA waxa ay dhankooda bixiyeen sharaxaad qoto dheer oo ku saabsan hawlaha ay dalka ka wadaan.
Gaba-gabadii kulanka waxa la isla qaatay in diiradda la saaro meelaha muhiimka ah ee laga wada shaqayn karo taasi oo fursad u noqon karta hirgelinta mashaariic wax ku ool ah.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.