Kulanka Dowlada Hoose Iyo WIT
Kulanka dawladaha Hoose iyo WIT
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yuusuf Idiris ayaa furay kulan muhiim ah oo yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Taknolajiyada, Wasaaradda Arimaha Gudaha, AL-GASAL, Dawaladaha hoose ee Hargaysa, Gabilay iyo shirkada GST oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaarada Isgaadhsiinta iyo Taknolajiyada, waxa lagu falanqeeyay nimaadka casriyaynta adeegyada dawladaha.
Intii kulanku socday Waxa ay shirkada GST ku soo bandhigtay shahaadooyinka leh astaamo qarsoon oo aan laga been abuuri Karin (security features), kuwaasi oo looga faa’iidaysan karo nidaamka casriyaynta ee dawlada dhexe iyo dawladaha hooseba (Central and Local Government).
Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxa uu kulanku soo dhamaaday is fahan guud oo laga yeeshay baahida loo qabo in la casriyeeyo adeegyada dawladaha (E-Government), kaasi oo lagu sii amba qaadi doono kulamo dambe oo la isugu iman doono.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.