
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Gudida Naqshadaynta Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Gudida Naqshadaynta Qaranka.Kulanka ay yeesheen Gudida Naqshadeynta Qaranku ayaa waxa goob-joog ka ahaa dhamaan xubnaha Wasiiradda heer qaran ee Naqshadaynta.
Intii uu socday Kulanku waxay Gudidu dood ka yeesheen Diyaarinta jidka loo marayo Qorshe Magaaleedyadda Hargeisa, Berbera Iyo Burco, ‘’Master Plan Road Map’’, iyagoo aad uga dooday caqabadaha naqshad la’aanta iyo qorsheynta Beeraha ee xad ka baxa ku socota, iyagoo Gudida Wasiiradda Naqshadaynta ee Heer Qaran isla gartay in kulan guud la yeeshaan Maayiradda Dalka sidii loogu sameyn lahaa magaalooyinka dhiman Qorshe Magaaleed dhameystiran, kuwii loo sameeyeyna wixii ka fulay dib la iskula eegi lahaa.
=DHAMMAAD=
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta W.I.T.