Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris Ayaa kulan la qaatay Maamulaha Mashaariicda Hay’adda EUCAP Mr. Brendan

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris 
 
Ayaa kulan la qaatay Maamulaha Mashaariicda Hay’adda EUCAP Mr. Brendan KENNY iyo Saraakiil kale oo ka tirsan EUCAP.
 
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Isgaadhsiinta & Hay'adda EUCAP, laysagana kaashan lahaa arimaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda. 
 
Wasiir Dr. Ahmed Yusuf Idiris ayaa madaxda Hay'adda ku bogaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin guud ahaan Somaliland gaar ahaana Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda JSL. Iyadoo Wasaaraddu kala shaqayndoonta horumarinta dhinaca Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda ee ciidamada badda JSL.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL