Xeer-Nidaamiyaha Goobaha Isgaadhsiinta

Isbeddelka xawliga ah ee ay ku socdaan aaladaha lalinta adeegyada iyo shebekadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa sabab u ah in ay mar kasta wasaaraddu horumariso isla markaana ay diyaariso xeer-nidaamiyayaal, tilmaamayaal iyo hagayaal loogu talo galay ka-war-haynta iyo la-socodka qalabkaas. Xeer-nidaamiyahahalkan ku qorani waxa uu ka hadlayaa qaab dhismeedka iyo maareynta goobaha loo adeegsado isgaadhsiinta.