Xarunta Hal-abuurka Somaliland (Somaliland Innovation Zone) ayaa Habeenkii xalay soo qaban-qaabisay Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey “Doorka Dhallinyaradu  ku Leeyihiin Hal-Abuurka Dhijitaalka ah".

Xarunta Hal-abuurka Somaliland (Somaliland Innovation Zone) ayaa Habeenkii xalay soo qaban-qaabisay Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey “Doorka Dhallinyaradu  ku Leeyihiin Hal-Abuurka Dhijitaalka ah".

Xaruntan oo ay hirgelisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ayaa Barnamijkan kusoo casuumtay Aqoonyahano ku Xeel-dheer Hal-abuurka ganacsi ee Tiknoolajiyadda la Xidhiidha.

Dood-cilmiyeedkan oo ay ka soo qayb-galeen masuulliyiin, aqoonyahan iyo dhallinyaro aad u tiro badan ayaa ujeedaddiisu ahayd, in lagu kulmiyo Aqoonyahanka dalka iyo dhallinyarada leh hanka hal-abuurka si ay uga faa’iidaystaan tallooyinka iyo tilmaamaha ay bixinayaan aqoonyahanku islamarkaana ay Su,aalo kuweydiiyaan Aqoonyahanka iyo Injineerada xaga Tiknoolajiga ee madasha kusugnaa.

Ugu dambayntii, Agaasimaha Xarunta iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda  ay leeyihiin dood-cilmiyeedyada la isku waydaarsanaayo fikraduhu, iyagoona kudheeraday inay Wasaaradda ka go’an tahay dhiirigelinta dhallinyarada ee xaga Hal-abuurka Casriga ah ee la jaanqaadaya dunida maanta.