XAFLADA DAAHFURKA HANAANKA CASRIGA AH EE ADEEGYADA DAWLADAHA HOOSE EE SHAN DEGMO

XAFLADA DAAHFURKA HANAANKA CASRIGA AH EE ADEEGYADA DAWLADAHA HOOSE EE SHAN DEGMO
Hargaysa(5/11/2023)Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaan maanta Daahfurtay Hanaanka Casriga ah ee Adeegyada Dawladaha Hoose ee Shan Degmo ( Hargaysa , Burco, Borama, Berbera iyo Gabiley).
Hanaankan Casriga ah ee maanta la daahfuray ayaa u suuro galinaaya muwadiniinta in iyaga oo jooga guryahooda , goobohooda shaqo iyo meelo kaleba ay si fudud u heli karaan adeegyada dawladaha hoose ee shantaasi degmo, ha ahaato bixinta Cashuuraha kala duwan , Ogolaansha dhismayaasha , Diwaangalinta Kaadhka Muwaadinka , Shahaadada Dhalshada , Shahaadada Guurka , Shahaadada Furniinka , Shahaadaa Dhimashada ,Diwaangalinta Ganacsiga iyo Maaraynta Qashinka.
Hadaba Muwaadin halkan ka dalbo (www.govsomaliland.online) adeegyada aad uga baahan tahay.