Xaflada Abaal-Marinta GuulayStayaasha Tartanka HAL-ABUURKA HINDISIDA NIDAAMYADA TEKNOOLOYIYADEED

Xafladan lagu abaal-marinayay dhallinyaradda ku guulaysatay barnaamijyada hal-abuurkoodu waddanka ku cusbaa, ayaa ku soo dhammaatay jawi degan oo yididiilo u horseedaya dhallinyarada kale ee waddanka. Waxanna masuuliyiintii ka soo qaybgashay madashu ku dheeraadeen ahmiyada ay leedahay in ay Somaliland la talaabsato dalalka horumarka ka gaadhay tiknoolajiyada, halka dhallinyaradii ka-kala socday shirkadaha guuleystay, xubno u hadlay ay rejo wanaag ka muujiyeen guusha ay hanteen.

Shirkadaha ku guulaystay abaal-marinta ayaa kala ahaa Future Tech oo hanatay kaalinta koowaad kuna guulaysatay $8,000, halka shirkadda Elite software solutions ay ku guulaysatay kaalinta labaad kuna guulaysatay $6000, kaalinta saddexaadna waxa hanatay shirkada save Tech  oo ku guulaysatay $4000.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Cabdiwali Cabdilaahi SH. Suufi ayaa ballan-qaaday in tartanka hal-abuurka hindisaha nidaamka tiknoolajiyadu ahaan doono mid sannad walba dalka ka qabsooma.