
Wasiirka Wasaaradda Isgaadsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris ayaa ka qayb-galay kulanka Daah-furka Mashaariicda kasoo baxday Shirweynihii Madasha .....
Wasiirka Wasaaradda Isgaadsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris ayaa ka qayb-galay kulanka Daah-furka Mashaariicda kasoo baxday Shirweynihii Madasha Dhaqaalaha Qaran ee la qabtay Bishii 10-aad ee Sanadkii hore ee 2023-ka.Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen dhamaan hay'addaha ku midoobey Wadaaggaha Dhaqaalaha (Economic Sector) ayaa lagu soo bandhigay Mashaariicdii Mudnaanta lahaa ee laga soo dheegey Buugga Warbixinta kasoo baxday Shirweynaha (Somaliland Economic Forum Report 2023).
Kulanka oo soconayey muddo hal maalin ah ayaa lagu soo geba-gabeeyey Hotel-ka Maansoor ee Magaaladda Hargeisa.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL.